Ciidamada Kenya & maleeshiyada Villa Soomaaliya oo lagu weeraray goobo kala duwan.

Sunday September 27, 2026 - 10:01:04
MeMO Staff
Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyeen gobollada Mandheera, Mudug iyo Bakool.
Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxaa ka dhacay weerar dhabba-gal ah oo jihaadiyiintu ay u dhigeen maleeshiyaad ku socdaalayay inta u dhexeysa magaalada Xarardheere iyo deggaanka Ceel-huur.

Ilo-wareedyo aanu ka helnay hawl-galkan ayaa sheegay in uu jiro khasaare kale duwan oo soo gaaray maleeshiyaadkan, iyadoo 2 askari oo ka mid ah la xaqiijiyey inay dhaawacmeen.

Gobolka Mandheera oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa isna ka dhacay weerar culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Kenya.

Sida ay xogtu tibaaxayso, weerarkan ayay xoogagga Al-Shabaab si gaar ah ugu bartilmaameedsadeen xero ay ciidamada Kenyaatigu ku leeyihiin deggaanka Fiinow ee degmada Lafeey.

Gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, waxaa isna gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duqayn ay jihaadiyiintu ku beegsadeen garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid.

Xilliga la weeraray garoonka ayaa la sheegay in ay ka kacaysay diyaarad sidday maleeshiyaad laga qaaday Waajida loona waday magaalada Baydhabo.

Si kastaba, hawl-gallada ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee kusoo duullay dalka iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences